Mucaaradka Syria oo sheegay in xarumaha dadweynaha uu sii maamuli doono Ra’iisul Wasaaraha

0
290

Kooxaha hubeysan ee mucaaradka dalka Syria ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen caasimadda dalkaasi ee Dimishiq iyo inuu waddankaasi isaga baxay madaxweyne Bashar Al-Assad.
Taliyaha kooxda Hayat Tahrir al-Sham, Abu Maxamad al-Julani, ayaa laga soo xigtay in dhammaan maamullada dowliga ah uu sii maamuli doono Ra’iisul Wasaaraha Syria Maxamad Ghazi al-Jalali oo sheegay inuu diyaar u yahay la shaqeynta mucaaradka.
Al-Julani ayaa xusay in xaaladdu ay sidan ahaan doonto ilaa inta hay’adaha dowliga si rasmi ah looga wareejinaya.
Xalay ayay ahayd markii dowladah Qatar, Saudi Arabia, Jordan, Egypt, Iraq, Iran, Turkey iyo Ruushka ay si wadajir ah bayaan u soo saareen.
Waxay dowladahan ku baaqeen xal siyaasadeed iyagoo arrimaha isa soo taraya ee Syria ku tilmaamay kuwo khatar leh.