DHAGEYSO:Aqoonyahaannada Vihiga oo baaq loo diray

0
82

Wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar ee dalka Wycliffe Ambetsa Oparanya iyo senatarka ismaamulka Vihiga Godfrey Atieno Osotsi ayaa aqoonyahaannada dowlad deegaankaasi kula taliyay in ay horumar ka sameeyaan deegaannada ay ka soo jeedaan.
Oparanya ayaa sheegay in haddii maalgashi laga sameeyo deegaannada hoose ay fursado shaqo helayaan dhallinyarada.
Waxaa baaqan taageeray senatarka Vihiga oo nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah aqoonyahaannada ay hilmaamaan halka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan oo aynan wax maalgashi ah ka sameyn.