EACC oo barasaabyada ku boorrisay in ay oggolaadaan in lala xisaabtamo

0
151

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC-da ayaa barasaabyada ismaamullada waddanka ugu baaqay in ay qaataan dhaliisha uga timid xafiiska maareeyaha miisaaniyadda dowladda .
Tani ayaa timid ka dib markii golaha barasaabyada ee CoG uu dhaliilay warbixintii ay soo saartay Margaret Nyakang’o oo ah maareeyaha miisaaniyadda dowladda.
Waxaa warbixintaasi lagu sheegay in guddoomiyaasha dowlad degaannada aynan maalgelin arrimaha horumarka.
Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday in ay jiraan ismaamullo adeegsado in ka badan 300 oo akoonno bangiyeed ah.
Afhayeenka guddiga EACC-da, Eric Ngumbi ayaa sheegay in hoggaamiyaasha ismaamullada laga doonaya in ay oggolaadaan in si daahfuran loola xisaabtamo.
Waxaa uu kula taliyay in ay diiradda saaraan sidii ay u xallin lahaayeen tabashooyinka ay maareeyaha miisaaniyadda dowladda ka muujisay qaabka ay u adeegsadaan lacagaha dadweynaha ee ay u qoondeyso dowladda dhexe.