Mucaaradka Syria oo la wareegay caasimadda dalkaasi ee Dimishiq

0
150

Waxaa lagu soo warramayaa in madaxweynaha dalka Syria Bashar al-Assad uu u baxsaday meel aan weli la shaacin.
Tani ayaa timid ka dib markii dagaalyahaannada kooxaha mucaaradka ee Syria ay gudaha u galeen caasimadda Dimishiq iyagoo ku dhawaaqaya in Syria uu waa’ cusub u baryay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay isugu soo baxeen waddooyinka Dimishiq iyagoo dabbaal degaya.
Madaxa isbeheysiga siyaasadeed ee mucaaradka Syria ee qurbaha Hadi al-Bahra ayaa ku dhawaaqay in Dimishiq ay hadda xor ka tahay Bashar al-Assad wuxuuna bogaadiyay shacabka dalkaasi.
Waxaa uu xusay in uunan aargoosi jirin oo ay muwaadiniinta Syria ee ku nool qurbaha ay ugu baaqayaan in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan.
Ra’iisul Wasaaraha Syria Maxamad Ghazi al-Jalali ayaa dhankiisa sheegay inuu gurigiisa ku sugan yahay.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in mas’uulkan uu muujiyay inuu diyaar u yahay la shaqeynta mucaaradka iyo xaqiijinta sidii ay ku sii shaqeyn lahaayeen maamullada dowliga ah.
Dhanka kale, madaxa kooxda Hayat Tahrir al-Sham Abu Maxamad al-Julani ayaa dagaalyahaannada mucaaradka kula taliyay in aynan bartilmaameedsan hay’adaha dowliga ah.