Ra’yi uruurin lagu sheegay in Joho uu yahay wasiirka ugu waxqabadka wanaagsan

0
171

Shirkadda sameysa cilmi baarista ee Politrack Africa ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in wasiirrada Kenya uu ugu waxqabad wanaagsan yahay Cali Xasan Joho oo ah wasiirka macdanta , kheyraadka iyo arrimaha badaha .
Waxqabadka Joho ayay shirkaddu ku sheegtay boqolkiiba 67.3 waxaana soo raaca wasiirka deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale oo uu waxqabadkiisu yahay boqolkiiba 62.1 .
Ra’yi uruurintan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 19-kii ilaa 26-kii bishii hore.
Waxaa liiska saddexaad ee dhanka waxqabadka soo gashay wasiiradda dalxiiska Rebecca Miano oo heshay boqolkiiba 62, waxaa soo raaca wasiirka tamarta iyo batroolka Opiyo Wandayi oo helay boqolkiiba 61.7.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta sidoo kalena si ku meel gaar ah u sii haya xilka wasiirka arrimaha gudaha Musalia Mudavadi ayaa isna helay dhibco ah boqolkiiba 60.3 , wasiirka maaliyadda John Mbadi (57.5), Wasiiradda dhulalka , howlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka Alice Wahome (56.4 boqolkiiba ) , dhiggeeda caafimaadka Dr. Deborah Barasa (54.2 boqolkiiba),wasiirka dhallinyarada, hal-abuurka dhaqaale iyo cayaaraha Kipchumba Murkomen iyo dhiggiisa ganacsiga iyo maalgashiga Salim Mvurya ayaa soo kala galay lambarka 9-aad iyo 10-aad ee dhanka waxqabadka oo u kala dhigma boqolkiiba 53.3 iyo boqolkiiba 52.6 .
Shirkadda Politrack Africa ayaa hoosta ka xarriiqday in ra’yi uruurinta ay ku saleysnayd go’aan qaadashada wax ku oolka ah, dhaqangelinta waxyaabaha hortabinta u leh dowladda iyo joogteynta adeeg dadweyne oo lagu kalsoonaan karo.