Dagaalyahannada mucaaradka ee Syria oo ku soo dhawaaday Dimishiq

0
95

Ka dib marki ay soo qabsadeen magaalooyin muhiim ah oo ay horay u joogeen ciidamada milateriga ee dowladda Syria, ayay dagaalyannada mucaaradka aad ugu soo dhawaadeen nawaaxiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Dagaalyahannada ayaa saacadihi ugu dambeeyay qabsaday magaalada muhiimka ah ee Xumus, taasoo suuragelisay in jiidda hore ee aagag dhowr ah oo guud ahaan waddankaasi ah ay burburaan.
Ku soo dhawaashaha magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ayaa ka dhigan in xukunka 24-ka sano ee Bashaar Al Asad ee Syria uu halis weyn ku jiro.
Xumus ayaa ahayd magaalo istaraatiiji u ah difaaca caasimadda.
Wararka intaasi ku daraya in hadda ay 20 kiilomitir u jiraan magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Waa markii ugu horreysay oo ay dagaalyahannada mucaaradka ay soo gaaraan nawaaxiga magaalada Dimishiq ee dalka Syria tan iyo dagaalkii sanadkii 2018-kii.