DHAGEYSO:Muqdisho oo laga soo dejiyay dhallinyaradii doonta ay kula degtay Madagascar

0
211

Dowladda Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dajisay dhallinyaradii Soomaaliyeed oo dhawaan doon ay kula dagtay dalka Madagascar, halkaas oo ay ku dhinteen Soomaali badan, kuwana kale la soo badbaadiyay.
Dhallinyarada la keenay oo ka soo badbaaday shilkaasi ayaa gaaraya ilaa 40 muhaajiriin ah.
Waxaa diyaarad gaar ah u diray madaxweyna dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Tahriibayaashan oo ku labisnaa labiska calanka Soomaaliya ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad wayn iyo inay ku qanacsanaayeen ku soo laabashadooda Soomaaliya.
Mas’uulliyiin ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale dhallinyaradan ku soo dhaweeyay Muqdisho.
Qaar ka mid ah dhallinyarada la soo celiyay oo isugu jiro gabadho iyo wiilal ayaa qaarkood la hadlay warbaahinta, waxayna si weyn u mahadceliyeen dowladda Soomaaliyeed.

Ilaa 28 muhaajiirin Soomaali ah ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay shilka ka dhacay dalka Madagascar, waxaana la waayay doontii ay la socdeen oo la soo wariyay inay xeebta kula degtay, sida ay xaqiijiysay wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee waddanka Madagascar oo qoraal soo saartay.