UNRWA oo hakisay bixinta gargaarka ee xadka Qaza iyo Israa’iil

0
320

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa sheegtay in ay hakisay gargaarkii baniaadannimo ee ay ka bixinaysay marinka Karem Abu Salem ee u dhexeeya Israa’iil iyo Qaza.
Madaxa UNRWA Philippe Lazzarini ayaa arrintan u aaneeyay tabashooyin dhanka badqabka ah.
Marinka Karem Abu Salem ayuu ku tilmaamay midkii ugu muhiimsanaa ee gargaarka looga gudbinayay Qaza.
Waxaa uu intaasi ku daray in waddada marinkaasi ay bilooyinkii ugu dambeeyay ahayd mid aan la isku halleyn karin.
Philippe Lazzarini ayaa tusaale u soo qaatay in 16-kii bishii hore ay burcad hubeysan dhacday gargaar baniaadannimo oo lagu siday kolonyo baabuur ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in shalay ay isku dayeen in ay mar kale halkaasi gurmad ka gudbiyaan balse lagala wareegay.
Waxaa weli halkaasi ka socda duqeymaha militari ee Israa’iil iyadoo gaajada jirta ay tahay mid baahsan.
Madaxa hay’adda UNRWA ayaa Israa’iil ugu baaqay in ay xaqiijiso in si aan xannibaad iyo carqaladeyn lahayn gargaarka loo gaarsiiyo Qaza oo laga fogaado bartilmaameedsiga shaqaalaha hay’adaha samafalka.