Omtatah oo sheegay in dalka uunan u baahnayn hoggaamiye wax kasta booba

0
208

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah oo shaaciyay inuu u tartami doono xilka madaxweynaha dalka ee doorashada guud sanadka 2027-da ayaa sheegay inuu qaranka u horseedi karo hoggaan wanaagsan.
Waxaa uu intaasi ku daray in aysan bulshada kenyaanka ah u baahnayn hoggaamiye sida uu hadalka u dhigay booba wax kasta.
Omtatah ayaa xaflad mahadcelin ah oo isaga lagu sharfayay taasi oo lagu qabtay xaafadda Upper Hill ee ismaamulka Nairobi ka sheegay in la doonaya hoggaan dabacsan oo shacabka u dhimriya.
Dhawaan ayay ahayd markii Okiyah Omtatah uu soo bandhigay guddi ka kooban toban xubnood oo qiimeyn ku sameynaya sida uu ugu qalmo u tartamidda xilka madaxtinnimo ee dalka marka la gaaro doorashada guud ee xigta.