Wasiirka tacliinta oo ka hadlay maamul xumo saameysay jaamacadda Moi

0
221

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa ballan qaaday in la xallin doono maamul xumo saameyn ku yeelatay jaamacadda Moi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay socdaan baaritaanno oo cidii lagu helo in ay ka gaabisay gudashada waajibaadkeeda shaqo laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Ogamba ayaa carrabka ku adkeeyay in la qaadanaya go’aammo adag oo sida uu hadalka u dhigay dib loogu soo celinaya maqaamkii sare ee jaamacadda.
Waxaa uu dhanka kale soo dhaweeyay in ururka shaqaalaha jaamacadaha dalka ee UASU iyo maamulka jaamacadda Moi ay ka qayb qaateen geeddisocod lagu soo afjarayay shaqo joojintii barayaasha ee carqaladeysay howlaha tacliinta.