DHAGEYSO:Shacabka Tana River oo lagu boorriyay in ay iska diiwaangeliyaan hannaanka SHA

0
302

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa deegaanka Garsen ee ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ka billowday olole xooggan oo shacabka loogu diiwaangelinaya caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanayaan in boqolkiiba boqol ee dadweynaha lagu diiwaangeliyo nidaamkan.
Waxay tilmaantay in caymiska SHA uu faa’iidooyin badan leeyahay marka loo barbardhigo hannaankii lagu beddelay ee NHIF.
Barasa ayaa laga soo xigtay in ilaa iyo hadda caymiska cusub ay iska diiwaangeliyeen in ka badan 15.6 milyan oo qof.
Ku xigeenka afhayeenka dowladda dhexe Mwanaisha Chidzuga ayaa shacabka Tana River ka codsatay in ay is-diiwaangeliyaan.