Ciidamada nabad sugidda Pakistan ayaa ka saaray caasimadda Islamabad taagerayasha Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan oo hadda xiran.
Taageerayaasha ayaa afartii maalmood ee ugu dambeeyay rabshado ka waday Islamabad.
Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa dib u furay waddooyinka isku xiro caasimadda iyo dalka intiisa kale sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Mohsin Naqvi.