Hoggaamiyaasha caalamka ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad joojinta ee dhaqan galay ee u dhexeeya Israa’iil iyo ururka Xisbullah ee dalka Lebanon.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa labaduba sheegay in is-afgaradkan uu horseedaya degganaansho waarta.
Macron ayaa xusay in loo baahan yahay in heshiiskan uu furo waddo lagu soo afjaraya duullaanka Qaza.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa Maraykanka uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay in heshiis la gaaro.
Ra’iisul Wasaaraha Lebanon Najib Mikati ayaa dhankiisa is-afgaradka ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dib u soo celinta xasilloonida gobolka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Esmaeil Baghaei ayaa dhankiisa sheegay in ay soo idlaatay gardarradii Israa’iil ee ka dhanka ahayd Lebanon.
Sami Abu Zuhri oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa isna sheegay inuu rajeynaya in heshiiska uu soo gabagabeeyo dagaalka Qaza.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning ayaa xustay in ay xaaladda si dhow ula socdaan oo ay taageerayaan dadaallada lagu dejinaya xiisadda.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ,Annalena Baerbock ayaa sheegtay in heshiiska uu rajo gelinaya gobolka Bariga Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa ku tilmaamay mid xilli hore loo baahnaa .
Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa bogaadisay heshiiska xabbad joojinta waxayna sheegtay inuu xoojinaya nabad galyada iyo xasilloonida gudaha Lebanon.
Boqortooyada Jordan ayaa dhankeeda tilmaantay in loo baahan yahay in beesha caalamka ay qaaddo tallaabooyin lagu soo afjaraya duullaanka militari ee Qaza.
Waxaa sidoo kale , arrintan soo dhaweyay dowladaha Ciraaq,Turkiga iyo Falastiin.