Waxaa lagu soo warramayaa in sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta lagu dhaawacay magaalada Wajeer.
Sarkaalkan oo watay mooto dhugdhugley ah ayaa la sheegay in koox ay dhagaxeysay kuwaas oo doonayay inay furaha mootadiisa ka qaataan.
Ciidamada ka tirsan booliiska magaalada Wajeer, oo roondo sameynayay oo ka war helay dhacdadan, ayaa ogaaday in shakhsiga dhibaataada loo gaystay uu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca dalka oo magaciisu lagu sheegay Lonzi Joseph.
Sarkaalka ayaa xubin ka ah waaxda difaaca ee (DoD), islamarkaana uu fadhigiisu yahay magaalada Wajeer.
Waxaa uu sarkaalkan dhaawac ka soo gaaray qaybta kore ee wajiga, ka dib markii kooxda weerarka ku soo qaadday ay dhagxaan ku tuureen.
Sarkaalka oo loo qaaday isbitaalka magaalada Wajeer, ayaa markii la dabiibay laga saaray.
Saraaakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ee bariga Wajeer ayaa billaabay baaritaanno lagu soo qabanayo shakhsiyaadkii falkan ku lugta lahaa.