Waxaa ismaamullada kala duwan ee dalka ka socda olalaha 16-ka maalmood ee dagaalka ka dhanka ah tacaddiga jinsiga ku saleysan ee (GBV).
Daneeyayaasha ismaamulka Samburu ayaa muujiyay baahida loo qabo in la xoojiyo ololaha lagu joojinayo guurka carruurta ee ku soo kordhay bulshada xoola dhaqatada.
Waxaa baaqan dirtay marwada barasaabka dowlad deegaanka Samburu.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka William Ruto ayaa loogu baaqay inuu fuliyo ballanqaadkiisa ahaa in dowladda ay soo saareyso 100 milyan oo loo adeegsanaya dadaallada lagu ciribtiraya dilaka haweenka.