Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay sidii dhallinyarada shaqo la’aanta ah ay fursado uga heli lahaayeen qurbaha.
Waxaa uu qiray in da’yar badan ay niyad jabeen maadaama horay loogu khiyaanay shaqaaleysiin dibadeed.
Xilli uu ku sugnaa machadka qaran ee farsamada ee ismaamulka Baringo ayuu Dr. Mutua xaqiijiyay in geeddisocodka dhallinyarada loogu raadinaya shaqooyinka uu noqonaya mid ku saleysan cadaalad iyo daahfurnaan.
Waxaa uu digniin adag u diray wakaaladaha shaqaaleysiinta oo uu sheegay in haddii ay isku dayaan in ay khiyaano sameeyaan in laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.