Senatarka Marsabit oo walaac ka muujiyay lacagaha ka maqan qandaraasleeyda

0
128

Senatarka ismaamulka Marsabit Maxamad Chute ayaa sheegay in arrin walaaceeda leh ay tahay in qandaraasleeyda dowlad deegaankaasi aan weli la siin lacago uga baxay adeegyo ay fidiyeen.
Waxaa uu guddiga aqalka sare u qaabilsan maaliyadda ka dalbaday inuu baaritaanno sameeyo oo uu soo xaqiijiyo sababaha golaha hoose ee ismaamulka Marsabit uu uga gaabiyay bixinta deymahan.
Chute ayaa guddiga uu hoggaamiyo dhigiisa Mandera Cali Ibraahim Roba ka codsaday in marka uu qiimeynta soo gabagabeeyo uu senate-ka u soo bandhigo warbixin si qandaraasleyda loo siiyo lacagaha uga maqan maamulkaasi.