Golaha wasiirrada ee Israa’iil ayaa ansixiyay qaraar xannibaad lagu saaraya wargeyska Haaretz ee ka soo baxa gudaha Israa’iil.
Waxay tani micnaheedu tahay in xiriirka loo jaray wargeyskan oo hay’adaha maalgelineed aynan taageeri karin.
Sidoo kale waxaa la mamnuucay in xayaysiimaha Israa’iil lagu daabaco wargeyska Haaretz.
Tani ayaa loo aaneeyay in qoraallo badan oo uu wargeysku soo bandhigay lagu tilmaamay kuwo wax u dhimaya sharciyadda Israa’iil iyo xaqa ay u leedahay in ay is difaacdo.
Maamulka wargeyska oo arrintan ka falceliyay ayaa ku tilmaamay tallaabo kale oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku waxyeelleynaya dimuqraadiyadda.