DHAGEYSO:Qoyska wiil ku geeriyooday Mombasa ka dib markii ay koronto saameysay oo cadaalad dalbanaya

0
333

Waxaa dowladda baaq u diray qoys ku nool ismaamulka Mombasa ka dib markii wiilkooda oo 24 sano jir ahaa uu u geeriyooday koronto ku dhegtay.
Cumar Galgalo ayay korontada saameysay xilli uu ku sugnaa garoonka Makadara ee deegaanka hoose ee Old Town.
Jamiila Ibraahim oo ka mid ah ehellada Cumar ayaa dareenkeeda la wadaagtay warbaahinta baaqna u dirtay dowladda.

Waxaa sidoo kale arirntan ka hadlay wakiilka deegaanka hoose ee Old Town Cabdiraxmaan Xuseen oo shaqaalaha shirkadda korontada ee dalka ee Kenya Power ku eedeyay habacsanaan.

Xildhibaankii hore ee deegaanka Garseen ee ismaamulka Tana River Ibraahim Axmed Saney ayaa wacad ku maray in marka ay soo idlaadaan baaritaannada socdo ay dacwad ka dhan ah shirkadda korontada ee dalka maxkamadda geyn doonaan si qoyska uu ka baxay Cumar Galgalo ay cadaalad u helaan.