Mudavadi oo musharraxnimada Raila ee AUC-da ku soo bandhigay Angola

0
304

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa magaalada Luanda ee caasimadda waddanka Angola si rasmi ah ugu soo bandhigay musharraxnimada Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC).
Waxaa uu taageero ka codsaday dalalka xubnaha ka ah (ICGLR) ee ku teedhsan harooyinka waawayn ee Great Lakes.
Waddamadan ayaa kala ah Burundi,Congo , Itoobiya , Malawi, Mozambique, Rwanda, Tanzania, Uganda iyo Zambia.
Mudavadi oo hoggaaminaya wafdiga Kenya ku matalaya shirka 18-aad ee dalalkan ayaa sheegay in Raila Odinga uu muujiyey aqoonta uu u leeyahay maamulka iyo hoggaanka dibloomaasiyadeed ee gobolka iyo si guud caalamka.
Waxaa uu u sheegay in isagoo matalaya dowladda iyo shacabka dalka Kenya inuu ka codsanaya taageeridad musharraxnimada Mr. Odinga .
Mas’uuliyiinta oo uu hor kacayay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Tanzania Maxamuud Thabit Kombo ayaa ballan qaaday in ay Raila garab siin doonaan xilliga doorashada ee bisha Labaad ee sanadka 2025-ka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa olole xooggan ugu jiro sidii uu u beddeli lahaa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat .