Waiguru oo ku baaqday in la soo dhiso booliis gaar ah oo qaabilsan la tacaalidda dilalka haweenka

0
124

Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa ku baaqday in la soo dhiso qayb gaar ah oo la tacaasha dilalka loo gaysto haweenka iyo gabdhaha yaryar.
Waxay doonaysa in qaybtan ay hoos tagto waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) si loo xalliyo falalka noocani ah ee ku soo batay gudaha Kenya.
Waiguru ayaa sheegtay in ay qasab tahay in xal waara loo helo dilalka ka dhanka ah dumarka.
Xilli ay ku sugnayd deegaanka Gichugu ayay Anne Waiguru carrabka ku adkeysay in dhammaan maamullada dowladda looga baahan yahay in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo looga hor tagaya dhacdooyinka lagu dilo haweenka.