DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo siyaasiyiinta ku boorriyay in ay soo afjaraan isqabqabsiga

0
48

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha kula taliyay in ay ka gudbaan siyaasadda ku saleysan kala qaybinta iyo isqabqabsiga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqamada noocani ah aan waxba laga faa’iidayn.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kericho ayuu madaxweyne Ruto tilmaamay in mas’uuliyiinta siyaasadeed, diimeed iyo ganacsi looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan hadallada iyo falalka horseedi kara shaqaaqooyinka.
Waxaa uu xusay in qaranka aynan wax dani ah ugu jirin tartan sida uu hadalka u dhigay aan micno wayn lahayn.
Madaxweynaha dalka ayaa hoggaamiyaasha xusuusiyey in mas’uuliyadda koowaad ee saaran ay tahay u adeegidda shacabka sidaasi awgeedna aan la doonayn in waqti xaadirkan lagu mashquulo siyaasadda doorashada xigta ee sanadka 2027-ka.

Dhanka kale , waxaa uu shaaciyay in dib loo billaabi doono mashruuca uu hakadka ku yimid ee gagida diyaaradaha ee Kerenga Airport ee ismaamulka Kericho ka dib markii la helay dhaqaale lagu dhameystiri karo.
Waxaa uu wasaaradda gaadiidka ku amray in ay billowdo geeddisocodka qandaraaska mashruucan.

Waxaa uu madaxweynaha sheegay in uunan marnaba joojinayn lacagaha uu ugu deeqo kaniisadaha isagoo tilmaamay in uunan cidna arrintan ka raalli gelinayn.