Madaxweyne ku xigeenka dalka Filibiin Sara Duterte ayaa si bareer ah ugu hanjabtay madaxweynaha dalkaasi Ferdinand Marcos Junior.
Waxay shir jaraa’id ka sheegtay in hoggaamiyaha qarankaasi si shirqool ah lagu dili doono haddii iyada la dilo.
Tani ayaa dhalisay in laamaha ammaanka ay xoojiyaan hab- maamuuska ilaalinta madaxweynaha iyo qoyskisia.
Farqiga siyaasadeed ee u dhexeeya labada qoys oo ugu awoodda badan dalkaasi ku yaallo koonfurta bariga qaaradda Aasiya ayaa si ballaranaya.
Sara ayaa dhanka kale sheegtay in dalka Filibiin uu ku wajahan yahay waddo khaldan.
Waxay dhaliishay qaabka hoggaamineed ee madaxweyne Ferdinand Marcos Junior.
Dhanka kale ,taliya Booliska, Rommel Francisco Marbil ayaa amar ku bixiyey in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo hanjabaadda madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.
Waxaa uu xusay in khatar kasta oo soo wajahdo madaxweynaha loo baahan yahay in si degdeg ah looga jawaabo.