DHAGYSO:Kindiki oo ka digay siyaasadda qabyaaladda ku saleysan

0
89

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa ka digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta shacabka.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Laisamis ee ismaamulka Marsabit ayuu sheegay in qaran aan lagu horumarin karin kala qaybsanaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadweynaha la mideeyo oo laga wada shaqeeyo xallinta caqabadaha jira.

Dhanka kale, ku xigeenka madaxweynaha dalka Kithure Kindiki ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu ay ka go’an tahay dhaqangelinta isbeddelo caafimaad si loo yareeyo qarashaadka dadweynaha uga baxa daryeelka.
Waxaa uu muwaadiniinta ugu baaqay in ay iska diiwaangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee (SHA) si ay uga faa’iidaan adeegyada baahsan ee uu daboolaya.