Weerarro ay ciidamada militariga ee Israa’iil ka gaysanayaan Waqooyiga,Bartamaha iyo Koonfurta Marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa 48-dii saacadood ee ugu dambeysay lagu dilay in ka badan 120 ruux oo u dhashay Falastiin.
Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in sidoo kale la duqeeyay isbitaal ku yaalla dhanka Waqooyi halkaasi oo lagu dhaawacay shaqaale caafimaad laguna burburiyay agab.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah toddobo ruux oo xubin ka ahaa hal qoys oo hooygooda lagu weeraray xaafadda Zeitoun ee magaalada Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, waxaa duqeymaha Israa’iil ee gudaha Qaza lagu dilay ugu yaraan 44,176 qof halka la dhaawacay 104,473 kale.