Senatarka ismaamulka Nandi Samson Kiprotich Arap Cherargei ayaa ka falceliyay tallaabada uu dhigiisa dowlad deegaanka Busia Okiya Omtatah ku soo dhisay guddi ka kooban toban xubnood oo qiimeyn doono inuu ku guulaysan karo xilka madaxtinnimo ee doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ayuu Cherargei ku sheegay inuu guul u rajeynaya Omtatah.
Hasa ahaate waxaa uu kula taliyay inuu ololaha doorashada u diyaarsado ugu yaraan 7 bilyan oo shilin.
Waxaa uu intaasi ku daray in Omtatah laga doonaya inuu xaqiijiyo meelo uu codad badan ka heli karo iyo isku xir hoose oo uu tilmaamay inta badan inuunan ku saleysnayn baraha bulshada.
Senatarka ayaa dhigiisa Busia u sheegay in aynan fududeyn in sanadka 2027-da uu ka guulaysto madaxweyne William Ruto.