Musalia Mudavadi oo safar ku tagay Angola

0
244

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa ku sugan magaalada Luanda ee caasimadda waddanka Angola.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya meertada 18-aad ee kal-fadhiga caadiga ah ee kulanka wasiirrada ee shirweynaha dalalka harooyinka ku teedhsan ee (ICGLR).
Mudavadi ayaa halkaasi gaaray galinkii dambe ee shalay waxaana soo dhaweeyay agaasimaha guud ee hab-maamuuska dowladda Angola Ms Isabel Paula Castro iyo safiirka Kenya dalkaasi ku matasho Joyce M’maisti .
Mudavadi oo hoggaaminaya wafdiga Kenya ku matalaya shirkaasi ayaa xoogga saari doono in laga wada hadlo arrimo ay ka mid yihiin xal u helidda colaadaha , xoojinta midnimada gobolka, siyaasadda horumarka, dimuqraadiyadda iyo kuwo kale.