Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shan ka mid ah wasiirrada waddanka u magacaabay in ay xubno ka noqdaan golaha heshiiska iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeeya Kenya iyo Midowga Yurub ee (EPA).
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan 22-kii bishan.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi, wasiirka ganacsiga Salim Mvurya, John Mbadi ( wasiirka maaliyadda ) Andrew Karanja(Wasiirka beeraha iyo xanaannada xoolaha ) iyo dhiggiisa deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada Aadan Barre Ducaale.
Waxaa xubnahan guddoomiye looga dhigay wasiirka ganacsiga ee dalka Salim Mvurya .
Wasiirrada ayaa Kenya ku matali doono golaha EPA oo qaabilsan kor joogteynta iyo dardargelinta iskaashiga adag ee ka dhexeeya Kenya iyo Midowga Yurub.
Heshiiskan ayay Midowga Yurub iyo Kenya wada saxiixdeen bishii Shanaad ee May ee sanadkan.
Madaxweyne William Ruto ayaa xilligaasi rajo wanaagsan ka muujiyay in is-afgaradkan uu faa’iidooyin badan u leeyahay qaranka.