Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa sheegay intii uu socday imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da in la soo tabiyay dhacdooyinka khiyaannada oo gaaraya 621.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kiisaskan laga diiwaangeliyay 198 xarumood oo ka mid ah goobihii ay ardayda ku sameynayeen imtixaanka oo gaaraya 10,754 guud ahaan dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in 621 arday lagu helay waxyaabo ay ka mid yihiin qoraallo aan loo oggolaan oo ay sii diyaarsadeen, taleefoonnada gacanta, warqadaha su’aallaha oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo shakhsiyaad arday u sameynayay imtixaanka.
Ogamba ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka KCSE-da u fadhiisteen arday dhan 965,501.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay socdaan baaritaannada la xiriira dhacdooyinka wax isdaba marinta dhanka imtixaanaadka ee la soo tabiyay .
Wasiirka ayaa xusay in cidii falalkan lagu caddeeyo laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Sidoo kale , waxaa uu wasiirka tacliinta ee dalka shaaciyay in sanadkan ay arday gaaraya 28 imtixaanka ku sameeyeen isbitaallada.
Waxaa sanadkan maareynta imtixaanka loo xil saaray howlwadeenno dhan 32,800 .