Madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko ayaa cafis u fidiyay 32 ruux oo ahaa maxaabiis siyaasadeed.
Dadkan ayaa horay loogu eedeyay in ay ku kaceen falal dambiyeedyo xagjirnimo.
Madaxtooyada Belarus ayaa laga soo xigtay in 17 ka mid ah shakhsiyaadkan ay qabaan xanuunnada raaga halka 9 ay da’doodu ka wayn tahay 50 sano.
Waxay intaasi ku dartay in wasaaradda arrimaha gudaha ay xaqiijin doonto in si dhow loola socdo habdhaqankooda.
Hasa ahaate , kooxaha dhaliila madaxweyne Lukashenko ayaa sheegaya in caburinta ay sii socoto.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in weli ay xabsiyada ku jiraan in ka badan 1,000 ruux tan iyo dibadbaxyadii waawayn ee Belarus ka dhacay sanadkii 2020-kii.
Cafiska uu fidiyay madaxweynaha ayaa ah midkii 6-aad ee loo sameeyo maxaabiista siyaasadeed iyadoo laga soo billaabo bishii Toddobaad ee sanadkan la siidaayay 178 qof sida ay sheegeen kooxaha u ololeeya xuquuqul aadanaha.