Paul Murage Njuki, oo ahaa nin dilay xaaskiisa iyo afar carruur ah oo uu dhalay ayaa lagu xukumay 40 sano oo xabsi ah.
Dilalkan ayuu qoyskiisa u gaystay 28-kii bishii Nofeember ee sanadkii 2021-kii.
Maxkamadda sare ee Kerugoya ee ismaamulka Kirinyaga ayaa maanta xukunkan soo saartay.
Garsoorha maxkamadda Kerugoya Richard Mwongo ayaa sheegay in maxkamaddu ay tixgelisay dhammaan caddeymaha la horkeenay kuwaas oo muujinaya in Paul Murage uu dilalkan gaystay.
Waxaa uu haysta 14 cisho oo uu racfaan ka qaadan karo xukunka lagu riday.