Ururka ay ku mideysan yihiin xildhibaannada haweenka ah ee (KEWOPA) ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu dilalka loo gaysto dumarka iyo gabdhaha yaryar u aqoonsado musiibo qaran.
Arrintan ayay ka sheegeen ismaamulka Kisii oo lagu qabtay munaasabad loogu diyaar garoobaya xuska maalmaha 16-ka ah ee la sameeyo wacyigelin lagu cirib tiraya shaqaaqooyinka ka dhanka ah haweenka.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Vihiga Catherine Wambilianga ayaa soo jeedisay in manhajka waxbarashada ee dalka lagu soo kordhiyo casharro gabdhaha xilli hore lagu baraya xuquuqdooda.
Home Wararka Kenya Haweenka xildhibaannada ah oo doonaya in dilalka dumarka loo aqoonsado musiibo qaran