Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha jaamacadaha dalka ee (UASU) ayaa oggolaaday lacag dhan 4.3 bilyan oo shilin oo ay dowladda dhexe u soo bandhigtay.
Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in tani ay qayb ka tahay dhaqangelinta heshiiska mushaar kordhinta ee gorgortanka ku saleysan ee CBA kaasi oo la doonaya inuu shaqeeyo ilaa sanadka 2025-ka.
Xoghayaha Guud ee ururka UASU Constantine Wasonga oo ka soo hormuuqday guddiga arrimaha waxbarashada ee baarlamaanka ayaa xusay in ay aqbaleen qiimaha ay dowladdu soo jeedisay.
Hasa ahaate ,waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay doonayaan in 5.4 bilyan oo shilin oo dheeraad ah la bixiyo labada sanad maaliyadeed ee kale.
Wasonga ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda looga baahan yahay inay xaqiijiso in tani ay ka dhabeyn doonto .
Ismari waaga u dhexeeyay ururka UASU iyo dowladda ayaa toddobaadyo dhowr ah hakad celiyay habsami u socodka waxbarashada jaamacadaha ee dalka.
Home Wararka Kenya Ururka shaqaalaha jaamacadaha oo oggolaaday mushaar kordhin ay dowladdu soo bandhigtay