Senatarka Kisumu oo sheegay in afduubka Kenya loogu gaystay madaxa mucaaradka ee Uganda ay abuureyso walaac

0
323

Senatarka ismaamulka Kisumu Tom Ojienda ayaa sheegay in afduubkii Kenya loogu gaystay madaxa mucaaradka ee dalka Uganda Kizza Besigye ay kor u qaadayso walaaca laga qabo ammaanka xuduudaha ee labada waddan.
Kizza Besigye ayaa shalay ka soo hormuuqday maxkamad milateri oo ku taalla dalka Uganda.
Waxaa Sabtidii laga soo qabtay guri ku yaalla xaafadda Riverside ee magaalada Nairobi.
Waxaa dib loogu celiyay dalka Uganda, ka dib markii lagu eedeyay inuu maleegayay falal amni oo waddankiisa liddi ku ah, haysashada hub sharci darro ah iyo inuu qorsheynayay in hub uu ka iibsado dibadda.
Besigye, oo 68-jir ah ayaa Kenya u yimid, si uu uga qaybgalo daahfurka buug ay qortay madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua, oo ay soo bandhigtay maalinkii Axadda ee 17-kii bishan.
Senatarka Kisumu ayaa sheegay in afuudbka Kenya loogu gaystay madaxa mucaaradka ee waddanka Uganda uu yahay mid walaaciisa leh oo sharci darro ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshuhu ahaa in Kizza Besigye uu ka qayb galo bandhig buug oo ay soo qabanqaabisay Martha Karua.
Hasa ahaate uusan ka qaybgelin.
Waxaa uu xusay in suurtagalnimada in calooshood u shaqeystayaal u dhashay dalka Uganda ay soo galeen Kenya islamarkaana ay afduubteen Besigye.
Besigye ayaa iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay, waxayna maxkamadda amartay in xabsiga lagu sii haayo ilaa 2-da bisha soo socoto ee Diseembar.