Isku shaandheyn lagu saameyn doona xoghayeyaasha wasaaradaha ee dowladda

0
281

Waxaa dhawaan la filayaa in isku shaandheyn lagu sameeyo xoghayeyaasha wasaaradaha kala duwan ee dowladda, ka dib markii guddiga adeegga dadweynaha ee PSC uu shaaciyay in la shaqaaleysiinayo xoghayayaal cusub.
Isbeddelladan la qorsheynaya ayaa soo shaac baxday tan iyo markii dhowr bilood ka hor uu madaxweynaha dalka soo magacaabay gole wasiirro oo cusub.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ku dhawaad dhammaan 36-da ee xoghayeyaasha wasaaradaha kala duwan ee dowladda ay isku shaandheyn saameyn doonto, halka qaarkood xilalka ay hayaan laga qaadi doona.
Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC Anthony Muchiri uu xayeysiiay in jagooyin ay ka banaan doonaan xoghayeyaasha sare ee wasaaradaha.