Israa’iil oo 88 qof ku dishay Qaza

0
125

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa 88 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay labo weerar oo ay ka fuliyeen Beit Lahiya iyo Radwan ee magaalada Qaza.
Dhanka kale , duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha dalalka Lebanon iyo Syria ayaa waxaa lagu kala dilay 9 qof iyo 36 kale.
Tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxay Israa’iil dalka Lebanon gudihiisa ku dishay ugu yaraan 3,558 qof iyadoo la dhaawacay 15,123 kale.
Dhanka Qaza, tirada dhimashada ayaa ah in ka badan 43,985 ruux halka dhaawaca uu yahay 104,092 .