Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si wadajir ah ugu khudbeyn doono xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Waxaa uu abaare 2:30 galabnimo khudbadiisa sanadlaha ah uu diiradda ku saari doonaa waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa.
Khudbaddan ayaa noqonaysa midii saddexaad tan iyo markii bishii Sideedaad ee sanadkii 2022-kii Ruto loo doortay hoggaamiyaha dalka.
Dastuurka dalka ayaa qabo in madaxweynaha uu sanadkiiba hal mar ah uu khudbadiisa ku soo bandhigo kal-fadhiga iskudhafka ah ee xildhibaannada iyo senatarrada.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ay dhawaan dowladda ku dhaliileen in aynan kenyaanka u oofin waxyaabihii ay ballan qaadday.