Booliiska oo digniin ka soo saaray dibadbaxyada la qorsheeyay in ay maanta dhacaan

0
178

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa dadweynaha uga digay in ay maanta sameeyaan ama ka qayb qaataan dibadbax.
Afhayeenka booliiska dalka Dr. Resila Onyango ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka aan lagu wargelin in mudaaharaad uu dhici doono.
Tani ayaa timid ka dib markii baraha ay bulshada ku wada xiriirto lagu faafiyay in ay suurtagal tahay in maanta isku soo bax lagu qabto caasimadda dalka ee Nairobi.
Bayaanka NPS waxaa ku cad in booliisku ay tixgelinayaan xaqa dastuuriga ah ee ay kenyaanka u leeyihiin in ay dibadbax sameeyaan si nabad ah iyagoo aan hubeysnayn si ay cabashadooda u gudbiyaan hasa ahaate dadka qaban qaabinaya mudaaharaadka laga doonaya in ay laamaha ammaanka ku wargeliyaan .
Dr. Onyango ayaa dhanka kale shacabka ku boorrisay in ay howlahooda sidii caadiga ahayd u sii wataan oo aan la cabsi gelin.