DHAGEYSO:Xulafada Gachagua oo sheegay in aan la cabsi gelin karin

0
313

Siyaasiyiinta aadka ugu dhow madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in aan marnaba la cabsi gelin karin oo ay sii wadayaan in ay runta sheegaan.
Mas’uuliyiintan ayaa deegaanka Waqooyiga Kajiado ka sheegay in maamulka Kenya Kwanza uunan shacabka u sameyn sidii ay ka filayeen.
Waxay bogaadiyeen bayaankii madaxda kaniisadaha Catholic-ga ay ku dhaliileen dowladda.
Siyaasiyiintan ayaa hoosta ka xarriiqay in baadariyaasha laga doonaya in ay kenyaanka difaacaan.
Xildhibaanadda deegaanka Githunguri ee ismaamulka Kiambu Gathoni Wamuchomba iyo xoghayihii guud ee hore ee xisbiga UDA Cleophas Malala ayaa Gachagua ku ammaanay in tan iyo markii xilka laga xayuubiyay uu muujiyay adkeysi siyaasadeed oo uunan rabshad abuurin.

Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa ku baaqay in aan la is caburin oo cid kasta fursad loo siiyo in ay dareenkeeda muujiso.
Waxaa uu saraakiisha maamulka ee ay ka midka yihiin guddoomiye xaafadeedyada uga digay in loo adeegsado fulinta dano siyaasadeed.