Wasiirka wasaaradda tamarta iyo batroolka ee dalka Opiyo Wandayi ayaa ku ammaanay madaxweyne William Ruto dadaalka uu ugu jiro inuu sare u qaado maqaamka iyo sumcadda Kenya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.
Waxaa uu iftiimiyay in hindisayaasha madaxweynaha ee ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee Kenya ay la leedahay waddamada kale ee caalamka ay keenayaan natiijooyin wanaagsan.
Wasiirka ayaa xusay in arrintan ay daliil u tahay sida ay uga go’an tahay madaxweynaha inuu isbeddel ku sameeyo horumarka dalka.
Wandayi ayaa kalsooni ka muujiyay in qorshaha horumarineed ee dowladda uu noqon doona mid guuleysto.
Waxaa uu xusay in Kenya ay dhawaan gaari doonto horumarro la taaban karo oo dhaqan dhaqaale ah.
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo batroolka ee dalka Opiyo Wandayi ayaa sidoo kale madaxweynaha dalka ku ammaanay xoojinta midnimada qaranka, isagoo caddeeyay in tani ay xaqiijinayso horumar waara oo uu dalku gaaro.
Waxaa uu xaqiijiyay in xisbiga ODM uu sii wadi doono taageerrada madaxweynaha iyo qorshayaasha horumarineed ee dowladda.
Mr. Wandayi ayaa dadweynaha ugu baaqay in midnimada ku dadaalaan islamarkaana ay dowladda ku taageeraan qorshaheeda horumarineed.