Dowladaha Kenya iyo Talyaaniga ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo horseedaya in qaranka uu ka faa’iido lacag dhan 5.5 bilyan oo Euros taasi oo lagu taageeraya u adkeysiga isbeddelka cimillada iyo horumarka waara ee qaaradda Afrika.
Waxaa is-afgaradkan qalinka ku wada duugay xoghayaha arrimaha deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada ee dalka Dr. Festus Ng’eno iyo agaasimaha iskaashiga horumarka caalamiga ah ee Talyaaniga Paolo Lombardo.
Waxay heshiiskan ku wada saxiixeen magaalada Baku ee dalka Azerbaijan oo uu ka socdo shirweynaha 29-aad ee cimillada ee COP29.
Dr. Festus Ng’eno ayaa sheegay in tani ay garab siin doonto hadafyada dhanka cimillada ee waddanka sida xoojinta adkeysiga bulshooyinka nugul.