Guddi gaar ah oo matalaya qaramada midoobay ayaa sheegay in siyaabaha dagaalka ee Israa’iil ee gudaha Qaza ay u dhigmaan xasuuq.
Waxaa uu guddigu tusaale u soo qaatay in dadka oo la gaajeeyo loo adeegsado sida hub dagaal oo kale.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 43,712 qof oo Falastiiniyiin ah iyadoo la dhaawacay 103,258 kale.