Qof ku eedeysan fududeynta xatooyada KCSE-da oo lagu xiray Nakuru

0
333

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay Collins Kipchumba Kemboi oo ku eedeysan ku lug lahaanshaha khiyaannada la xiriirta imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da ee sanadkan.
Waxaa laga qabtay aagga Kiamunyi ee dowlad deegaankaasi.
Waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa maanta sheegtay in Collins ay ku xiran yihiin ugu yaraan 78,000 oo qof oo isticmaala barta Telegram-ka halkaasi oo uu ku faafinayay warqadaha imtixaanka qaran.
Sidoo kale , ugu yaraan 8,500 oo qof ayuu kula xiriirayay barta WhatsApp-ka.
Waxaa tuhmanaha soo qabtay dambi baarayaasha la shaqeynaya golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) oo kaashanayay saraakiisha dowladad hoose ee Nakuru.
Waxaa hadda lagu hayaa saldhigga dhexe ee booliiska ee Nakuru ka hor inta aan maxkamadda la geyn gelinka dambe ee maanta.