Ururka baadariyaasha kaniisadaha Katholigga ee (KCCB) ayaa shir jaraaid oo uu qabtay waxaa uu uga soo horjeestay in muddo xileedka madaxweynaha oo ah shan sano laga dhigo toddobo sano.
Waxaa hindise sharciyeed arrinkan ku aaddan aqalka sare u gudbiyay senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei oo doonaya in dastuurka la beddelo si qorshahan uu u meel maro oo loogu daro muddo xileedka madaxda la soo doortay.
Hasa ahaate, baadariyaasha oo maanta warbaahinta kula hadlay ismaamulka Nairobi ayaa soo jeedinta senatarka cambaareeyay waxayna ku tilmaameen mid la yaab leh oo laga dheehan karo danaysi shakhsiyeed.
Waxay sheegeen in madaxweynaha ay ku filan tahay inuu qaranka u adeego toban sano oo ka kooban labo muddo xileed oo min shan sano ah.
Home Wararka Kenya Baadariyaasha kaniisadda Katholigga oo ka soo horjeestay kordhinta muddo xileedka madaxda