Booliiska Kisumu oo sheegay in guriga nin ku eedeysan dhac laga helay 750 ah aqoonsiga qaran

0
450

Saraakiisha booliiska ee saldhigga Migosi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Adam Rajab Abdalla.
Waa 20 sano jir loo haysta inuu falal dhac ah ka gaystay ismaamulka Kisumu.
Ciidamada ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay tuhmanaha soo badbaadiyeen xilli shacabka ay doonayeen in ay dilaan.
Howlgal laga sameeyay hooygiisa ayaa lagu soo helay aqoonsiga qaran oo ah ilaa 750 xabbo.
Sidoo kale , waxay saraakiisha heleen telefishin,agabka cunnada lagu karsado iyo waxyaabo kale oo la rumeysan yahay inuu shakhsigan soo dhacay.