Waxaa bannaanbax dhigay ardayda machadka lagu barto culuunta farsamada ee Godoma oo ku yaalla degmada Vitengeni ee ismaamulka Kilifi .
Waxay ka cabanayaan in qarashaadka tacliinta la kordhiyay iyadoo aan lagu wargelin.
Sidoo kale ,waxay sheegayaan in qaar ka mid ah bareyaasha machadkaasi si qasab ah loogu wareejinaya waaxyo kale oo ay ka howlgalaan taasina ay saameyn ku yeelatay waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Mr. Julius Migos Ogamba ayay ugu baaqeen inuu xaruntaasi u diro saraakiil sameeya dabagal si tallaabo sharciyeed loo qaado.