Golaha UNSC oo doonaya in la joojiyo colaadda Suudaan

0
259

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa eegaya qaraar ay soo gudbisay Britain.
Waxaa qaraarkan lagu dalbanaya in dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan ay colaadda soo afjaraan.
Sidoo kale, kooxahan ayaa loogu baaqaya in ay oggolaadaan in si nabad ah oo aan xannibaad lahayn gargaarka baniaadannimo loo gaarsiiyo furimaha dagaalka iyo xuduudaha.
Dagaalka Suudaan ayaa soo billowday bishii Afaraad ee sanadkii hore wuxuuna u dhexeeya ciidamada militariga ee dalkaasi iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF.
Qaramada midoobay ayaa sheegaysa in ku dhawaad 25 milyan oo qof ay gurmad u baahan yihiin gudaha dalka Suudaan.
Waxaa dagaalka ku barakacay ilaa 11 milyan oo qof halka ku dhawaad 3 milyan ay u qaxeen dalal kale.