Ciidamada adeegga duurjoogta ee KWS ee ismaamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Tanzania.
Waxay ku eedeysan yihiin ka ganacsiga foolasha maroodiga oo uu qiimahoodu yahay 3.3 milyan oo shilin.
Waxaa howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha kala ah Paul Kuya oo 36 sano jir ah iyo Paul Telek oo 29 sano jir ah ka qayb qaatay ciidamada saldhigga booliiska ee Mtwapa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof laga soo saaray goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla xaafadda Majengo.
Sidoo kale, waxaa howlgalkaasi lagu soo helay foolasha maroodiga oo uu culeyskoodu yahay 32.924 kiilogaraam.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in tuhmaneyaasha ay ka soo gudbeen dhanka Tanzania iyagoo soo maray xadka magaalada Namanga .
Labada qof ee la qabtay ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Mtwapa waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.