DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay in dhaqaalaha dalka uu sidii hore ka wanaagsan yahay

0
180

Madaxweyne ku xigeenka qaranka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu hadda wanaagsan yahay marka loo barbardhigo xilliyadii la soo dhaafay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qiimaha shilinka Kenya marka lagu sarrifo lacagaha qalaad uu isbeddelay.
Sidoo kale waxaa uu Kindiki xusay in hadda la awoodi karo qiimaha lagu iibiyo cuntooyinka kala duwan.
Waxaa uu arrimahan u aaneeyay dadaal uu sheegay inuu sameeyay madaxweynaha dalka William Ruto oo kaashanaya saraakiisha dowladda ee la shaqeeya.