Ugu yaraan 20 qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu dilay weerar ay militeriga Israa’iil maanta ka gaysteen degmada Almat’s Jbeil ee dalka Lubnaan.
Waxaa weerarka ku dhaawacmay 6 qof oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad ay weli ku xayiran yihiin burburka hoostiisa ee dhismooyin la duqeeyay.